Maqaalo

Saturday, March 21, 2020

Waa La iga Guursaday!

Naftii aan jeclaayee
naawilaayey dunidee
Mar haduu nikaax helay
Nin kalana u Naagtahay
Waa inaan Naftayda
barataa ninimadoo
Nasiibkiyo ayaankana
Waayaha ka Nuugtaa

Waxba hays nanabinoo
Nafacada ha diidine
Noolee hankaagoo
Inaad waliba nooshahay
Naflahaa u sheegoo
Naxligan dhacaayiyo
Hadalada naxuustale
Ha u liicin waligaa

Adiguna naruuraay
Ninkaad iga jeclaatiyo
Nasrigaad ku Nooshahay
Uma qabo naxliyo ciil
Nasiibkayga hiishaye
Nimcadaa ku Noolow


No comments:

Post a Comment

2021

 Waxaan Rajaynayaa sanadkaan inuu bashbash iyo barwaaqo noogu soo dhamaado