Maqaalo

Friday, April 9, 2021

2021

 Waxaan Rajaynayaa sanadkaan inuu bashbash iyo barwaaqo noogu soo dhamaado

Saturday, March 21, 2020

Waa La iga Guursaday!

Naftii aan jeclaayee
naawilaayey dunidee
Mar haduu nikaax helay
Nin kalana u Naagtahay
Waa inaan Naftayda
barataa ninimadoo
Nasiibkiyo ayaankana
Waayaha ka Nuugtaa

Waxba hays nanabinoo
Nafacada ha diidine
Noolee hankaagoo
Inaad waliba nooshahay
Naflahaa u sheegoo
Naxligan dhacaayiyo
Hadalada naxuustale
Ha u liicin waligaa

Adiguna naruuraay
Ninkaad iga jeclaatiyo
Nasrigaad ku Nooshahay
Uma qabo naxliyo ciil
Nasiibkayga hiishaye
Nimcadaa ku Noolow


Wednesday, January 1, 2020

sanadka 2020

sanadka 2020 ilaahay hanooga dhigo sanad bashbash iyo barwaaqo
samihiisana ha ilaahay hana siiyo.


waxaan idiin rajaynayaa guul iyo baraare iyo barwaaqo joogta ah meel waliba aad dunida ka joogtaa.
by xadaaaari Ashkir______________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________




Sunday, June 30, 2019

QALFOOFTII JACAYLKA

Qabrigii jacylkaan
Xalaydaan qodqodayoo
Qalfoofteedi baaraye
Hayee qof baa yiri
Adigaa qurgooyoo
Qarni hore ka tagayee
Qiiradaani waa maxay

Waxaan iri qablaawoow
Qorshihii xumaadiyo
Qaladkaan horay u galay
Iminkaan qaleeyoo
Waan ka qoomameeyaye
Noo kala warqaadoo
Heestaan bal iga qabo 
Qabrigeeda ugu gee 


by ahmed xadaari ashkir


Thursday, October 18, 2018

HIBASHO CAASHAQ


Hilaac iyo nuur baxaaya

Hamayn dayax soo iftiimay
Hogosha roobkoo da,aysa
Horwayn iyo geel irmaana
Haleelada gaar u foofta
Huriyo nuurkaa baxaaya
Hayaankiyo nolosha maanta

Halkaad caashaqa ku beertay
Halbowlaha dhiiga qaada
Wadnahaygu halkuu ku yaalo
Hadaan kuu hibeeyay haatan

Inaad hanatoo dawayso
Ayaan huuno kaa sugaaya

Anigu waan kuu hibeeyey
Haraad waan kuu qabaa
Anigu hurda wayska daayey
Hamayn iyo maalin toona
Indhaha halmar maysa saaro
Markuu I haleelay caashaq
Ilaa haatanoo la joogo


By Ahmed xadaari Ashkir


Monday, October 8, 2018

SHEEKO QOSOL AH

 Gabadh baa waxa layidhi iyada iyo ninkeedii intay wada tahriiben ayay doontii la ambatay oo ay ku gaajoden xataa doontii way jajabtay oo loox yar iyagoo saaran ayay gabadhii foolatay ninkii wuu yabay,
 markay halkaa sheekadu maraysay ayuu ninkii ku yidhi weligay intaad noolaa maanta maalin ay igaga xuntahay maan arag inta saa u eegtay bay tidhi aniga waxa igaga xun maalintaad naagti hebla guursatay

Friday, December 29, 2017

sheeko xiriiro dhagdheer



Bari waxa Jiray reer reermiyi ah oo lahaa afar caruur ah oo walaalo ah oo kala bah ah. Labana fariido ayey ahaayeen, labana nacasyo.

Maalin maalmaa ka mid ah ayaa hooyadii labada fariidada ah dhashay waxay u dhigtay ninkeedii oo safar ku maqnaa caano ay ka listay naaskeeda iyo kuwo riyaad oo ay iskudartay ayadoo xiligunna yahay Jiilaal.
Markii uu yimid ayuu yidhi, “Caanahan xagaad ka keentay illayn waa Jiilaalle?”


Hadaad caruurta habaabisid, markasta caano ayaad heli”, gabadhi tiri.
Subaxiidanbe ayuu caruurtii iyo awrkii kaxeeyay oo ku yidhi, “Miraynu soo guranaynaaye inna keena”.
Way fogaadeen oo wuxu geeyey meeshii midhaha laga soo gurayey. Wuxu yidhi “Inoo gura midhaha waan seexanayaaye. “Geed hoostiis ayuu ku goglay go`iisii cadaa, koortii awrkana wuxu sudhay geed si dabayshu u ruxdo oo caruurtu istidhaahdo aabihhiin iyo awrkiiba way joogaan. Mar casarkii ahayd ayey isyidhaahdeen aabihiin soo toosiya, dabadeed way ka waayeen oo go’ qudha ayey ku arkeen meeshii iyo koortii geedka sudhnayd. Way iska socdeen, waxaanay la kulmen guri Jees ah. Dabadeed way gallen, Waxay uugu tageen gabar ku tidhi waxan ahay inna “Dhagdheer”, gurigana hooyaday ayaa leh.
“Biyo nasii”, ayay caruurtii tidhi.
“Haantaa waxa la yidhaahdaa-Bowdheer-, markaa hooyaday ayaa maqlaysee hadaad kor ka furtaan waayo sanqadh dheer ayay bixisaa. Markaa mudac ku muda, dabadeed halkaa ka cabba. Markay cabbeen waxay yidhaahdeen “meel naseexi”.
“Hooyaday waa dad qalato markaa harrar ayaan idinku duubayaa oo aqalka dabadiisa ayaan idinku qarinayaa”. ayay gabadhi uugu Jawaabtay.
“Dhagdheer kolkay timid way urisay caruurtii.
Naas gabdheed ayaa uraya”. ayay tidhi dhagdheer.
“Hooyo waa naaskayga “, ayay tidhi inantii.
Markii ay dhagdheer erayadii ku celcelisay ayey cabsootay gabadhi:”Hooyo caruurta waan soo saarayaaye ha cunin”.
Caruurtii ayey soo saartay, habeenkiina dadqalatadii way barisay. Subaxnimadii markay ahayd ayey tidhi dhagdheer, “Yaan u xiiraa inankooda?”
Nacastiiba tidhi “Inankayaga u xiir”.
“Hablaha! midayna xaabo doon, midayna biyo doon”,
ayey ku amartay dadqalatadii.
“Inankayagu biyaha ayuu ila doonayaa, fariidii ayaa tidhi. Waanu raacay. Nacastiina kaligeed ayey xaabadii doontay oo inankoodii way qalatay. Iyana markay timid ayey cuntay.
Labadii biyaha doonay way baxsadeen, dabadeed habartii ayaa eryatay. Ayagoo ordaya ayey arkeen Mas Weyn oo dabadiisa iyo madaxiisu isu kala Jiro meesha cirka iyo dhulku iskahaystaan.
“Masow meel no bannee cadow ayaa na eryanayee”. ayey caruurtii waydiisteen.
“Hadaydaan ciid iyo saxarnna igu duulinayn iga talaabsada”. ayuu maskii ku celiyey.
Dabadeed waxba kumay tuurin ee way ka gudbeen. Dhagdheer oo ordaysa ayaa iyana maskii soo gaadhay, intii inleeg ayey isyidhaahdeen, laakiin dadqalatadii ciid iyo saxarba way ku daadisay maskii, dabadeed wuu cunay.
Markaa Caruurtii waxay ku heeseen:
“Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadee”
“dadoo ma isu soo dhawaanaa?”

2021

 Waxaan Rajaynayaa sanadkaan inuu bashbash iyo barwaaqo noogu soo dhamaado