Hilaac iyo nuur baxaaya
Hamayn dayax soo iftiimay
Hogosha roobkoo da,aysa
Horwayn iyo geel irmaana
Haleelada gaar u foofta
Huriyo nuurkaa baxaaya
Hayaankiyo nolosha maanta
Halkaad caashaqa ku beertay
Halbowlaha dhiiga qaada
Wadnahaygu halkuu ku yaalo
Hadaan kuu hibeeyay haatan
Inaad hanatoo dawayso
Ayaan huuno kaa sugaaya
Anigu waan kuu hibeeyey
Haraad waan kuu qabaa
Anigu hurda wayska daayey
Hamayn iyo maalin toona
Indhaha halmar maysa saaro
Markuu I haleelay caashaq
Ilaa haatanoo la joogo