Maqaalo

Friday, December 29, 2017

sheeko xiriiro dhagdheer



Bari waxa Jiray reer reermiyi ah oo lahaa afar caruur ah oo walaalo ah oo kala bah ah. Labana fariido ayey ahaayeen, labana nacasyo.

Maalin maalmaa ka mid ah ayaa hooyadii labada fariidada ah dhashay waxay u dhigtay ninkeedii oo safar ku maqnaa caano ay ka listay naaskeeda iyo kuwo riyaad oo ay iskudartay ayadoo xiligunna yahay Jiilaal.
Markii uu yimid ayuu yidhi, “Caanahan xagaad ka keentay illayn waa Jiilaalle?”


Hadaad caruurta habaabisid, markasta caano ayaad heli”, gabadhi tiri.
Subaxiidanbe ayuu caruurtii iyo awrkii kaxeeyay oo ku yidhi, “Miraynu soo guranaynaaye inna keena”.
Way fogaadeen oo wuxu geeyey meeshii midhaha laga soo gurayey. Wuxu yidhi “Inoo gura midhaha waan seexanayaaye. “Geed hoostiis ayuu ku goglay go`iisii cadaa, koortii awrkana wuxu sudhay geed si dabayshu u ruxdo oo caruurtu istidhaahdo aabihhiin iyo awrkiiba way joogaan. Mar casarkii ahayd ayey isyidhaahdeen aabihiin soo toosiya, dabadeed way ka waayeen oo go’ qudha ayey ku arkeen meeshii iyo koortii geedka sudhnayd. Way iska socdeen, waxaanay la kulmen guri Jees ah. Dabadeed way gallen, Waxay uugu tageen gabar ku tidhi waxan ahay inna “Dhagdheer”, gurigana hooyaday ayaa leh.
“Biyo nasii”, ayay caruurtii tidhi.
“Haantaa waxa la yidhaahdaa-Bowdheer-, markaa hooyaday ayaa maqlaysee hadaad kor ka furtaan waayo sanqadh dheer ayay bixisaa. Markaa mudac ku muda, dabadeed halkaa ka cabba. Markay cabbeen waxay yidhaahdeen “meel naseexi”.
“Hooyaday waa dad qalato markaa harrar ayaan idinku duubayaa oo aqalka dabadiisa ayaan idinku qarinayaa”. ayay gabadhi uugu Jawaabtay.
“Dhagdheer kolkay timid way urisay caruurtii.
Naas gabdheed ayaa uraya”. ayay tidhi dhagdheer.
“Hooyo waa naaskayga “, ayay tidhi inantii.
Markii ay dhagdheer erayadii ku celcelisay ayey cabsootay gabadhi:”Hooyo caruurta waan soo saarayaaye ha cunin”.
Caruurtii ayey soo saartay, habeenkiina dadqalatadii way barisay. Subaxnimadii markay ahayd ayey tidhi dhagdheer, “Yaan u xiiraa inankooda?”
Nacastiiba tidhi “Inankayaga u xiir”.
“Hablaha! midayna xaabo doon, midayna biyo doon”,
ayey ku amartay dadqalatadii.
“Inankayagu biyaha ayuu ila doonayaa, fariidii ayaa tidhi. Waanu raacay. Nacastiina kaligeed ayey xaabadii doontay oo inankoodii way qalatay. Iyana markay timid ayey cuntay.
Labadii biyaha doonay way baxsadeen, dabadeed habartii ayaa eryatay. Ayagoo ordaya ayey arkeen Mas Weyn oo dabadiisa iyo madaxiisu isu kala Jiro meesha cirka iyo dhulku iskahaystaan.
“Masow meel no bannee cadow ayaa na eryanayee”. ayey caruurtii waydiisteen.
“Hadaydaan ciid iyo saxarnna igu duulinayn iga talaabsada”. ayuu maskii ku celiyey.
Dabadeed waxba kumay tuurin ee way ka gudbeen. Dhagdheer oo ordaysa ayaa iyana maskii soo gaadhay, intii inleeg ayey isyidhaahdeen, laakiin dadqalatadii ciid iyo saxarba way ku daadisay maskii, dabadeed wuu cunay.
Markaa Caruurtii waxay ku heeseen:
“Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadee”
“dadoo ma isu soo dhawaanaa?”

Monday, December 25, 2017

xikmado xul ah oo xiiso leh




1- Marnaba haka Quusan wax aad si Dhab ah u rabto, way Adag tahay in la Sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka Shalayso.
2- Goortii aad Aqbasho Qof, waxaad
Aqbashay wixii ay horay u soo mareen oo dhan. Sidaa darteed, dib ha u soo Gocan hana u Adeegsan.
3- Goortii aad Qof Necbeysato, wax kasta ay sameeyaan waxay noqonayaan kuwo kaa Xanaajiya. Haddaba ha gelin Niyadaada wax Naceyb ah.
4- Aargoosiga ugu Wanaagsan waa inaad horay u socoto, Cafiso iska ilowdo, kuna Dadaasho inaad Guuleysato.
5- Marnaba aad ha ugu xirnaan Dad haddii eysan iyaguna sidaa oo kale dareemayn, sababtoo ah jaceyl hal dhinac ah Maskax ahaan ayuu ku Baabi’in karaa.

6- Dadka qaarkii ma rabaan iney Runta maqlaan, sababtoo ah ma doonayaan in Dhalanteedkooda la Burburiyo.
7- Jaceylku waxba ma aha hadaan Ficil la socon, Aaminaadu waxba ma aha hadeysan Caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan Isbedel jirin.
8- Dadku waxey inta badan Hilmaamaan iney kuu Mahadceliyaan marka aad Wanaag u sameysid, laakiin marnaba ma Hilmaamaan iney ku Eedeeyaan haddii aad Hal qalad ku sameysid.

Tuesday, December 19, 2017

maah maahyo ku socda xarafka D


Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay. 

 Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa. 

 Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 


 Dameertu ma harsato ilmaheedana ma hariso. 


 Dammeeraley Dad la xeer maaha. 


Dan iyo xarrago is weyday. 


 Dan layskuma naco. 


 Dani waa seeto 


 Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa 


 Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo. 


 Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa. 


 Dantii mooge, maro duuga ka liitee. 


 Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya 


 Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag


 Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay 


 Dardaaran waa inta xayga la yahay. 


 Dawaco geel ma cunto. 

Saturday, December 16, 2017

geeraar jacayl


 
  • Habooney gacalisooy
  • Haada iyo shimbiraha
  • Heybad adaa ka sidatee
  • Hanaankaaga wacanbaa
  • Halbowlaha igooyoo
  • Hurdo waan ka quustee
  • Hud-hudka iyo shimbirahaa
  • Haatuf iigu sheegay
  • Hadaad aragto Ilhaan
  • Hamuuntaada caashaq iyo
  • Hamigaada u sheeg
  • Hidihii dhaqankaad
  • Huunooy sidataa
  • Ha’ii jabinin nacabkee
  • Hiil ii noqo abaayo
  • Hadalkaan oran lahaa
  • Hoosta adaa ii dhigtee
  • Huunooy waaban kaa helay

maqaal

Friday, December 15, 2017

qaranka soomaaliya

qaranka soomaaliya waa qaran madaxbanaan kana mid ah qaramada aduunka ka jira.

qaranku waxa uu xoriyadiisa qaatay sanadku markuu ahaa 1960 kii.

qaranka soomaaliya waxa uu leeyahay taariikh aad u dheer taas oo qaybo badan leh

tii gumaystaha ka horaysay, tii gumaystaha tii ka xoriyad u dirirka tii xoriyada, tii kacaanka,
 tii burburka iyo kuwa kle oo aad u fara badan






goor dhow baanu soo gudbindoonaa anagoo qayb qayb uga hadli doona

sponsared by xadaari

2021

 Waxaan Rajaynayaa sanadkaan inuu bashbash iyo barwaaqo noogu soo dhamaado